Fursadaha Chelsea Ee Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Qiimeeyay

Fursadaha Chelsea Ee Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Qiimeeyay


Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa sheegay in ay kooxda chelsea meel fog ka gaadhi karto champions League xilli ciyaareedkan kadib markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

Chelea ayaa wareega Group-yada kaga dhamaystay kaalinta 1-aad laakiin waxa kadib la caydhiyay Frank Lampard sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda.

Chelsea ayaa kadib shaqada u dhiibtay tababarihii hore ee kooxaha PSG iyo Borussia Dortmund ee Thomas Tuchel.

Blues ayaa si fiican ku bilaabatay ka hoos ciyaarista Thomas Tuchel wax guuldaro ahna lama kulmin ilaa haatan isaga oo 4 guul oo xidhiidh ah ku hogaamiyay Premier League.

Chelsea ayaa wareega 16-ka champions League ka hor tagi doonto kooxda Atletico Madrid waxana uu Flick sheegay in ay Blues meel fog ka gaadhi karto tartanka.

“Chelsea waa koox weyn oo leh tayo iyo xiddigo fiican”ayuu Flick yidhi.

“Waa koox ay ka buuxaan xiddigo da’yar ah waxana ay meel fog ka gaadhi karaan champions League xilli ciyaareedkan”.


Source: laacibfm.com

SHARE