Javier Mascherano Oo Kashifay Halka Wado Ee Ay Liverpool Ugu Guulaysan Karto Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Javier Mascherano Oo Kashifay Halka Wado Ee Ay Liverpool Ugu Guulaysan Karto Champions League Xilli Ciyaareedkan.


Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Javier Mascherano ayaa shaaca ka qaaday halka wado ee ay kooxda Liverpool ugu guulaysan karto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa hal lug la gashay wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda RB Leipzig kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka.

Javier Mascherano ayaa aaminsan in ay dhaawacyo dileen xilli ciyaareedka Liverpool waliba sabab u noqon karaan dhaawacyadaas in ay kooxdu ka hadho tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Javier Mascherano ayaa aaminsan in halka wado ee ay Liverpool ugu guulaysan karto champions League xilli ciyaareedkan in ay tahay hadii ay kooxdu dib ugu hesho xiddigaha dhaawaca uga maqan.

“Waxan u malaynayaa in ay dhaawacyadu ciqaabeen”ayuu uu Javier Mascherano u sheegay beIN Sports.

“Waxa ay waayeen nasiibkii dhanka dhaawacyada”ayuu sii raaciyay.

“Wax fudud ma ahan in ay kooxda ku dhacaan dhaawacyada intaas leeg laakiin hadii ay kooxdu doonayso in ay ku guulaysato champions League waa in ay sida ugu dhakhsaha badan dib ugu helaan xiddigaha muhiimka ah ee ka dhaawacan”ayuu sii raaciyay.

“Hadii ay dib u helaan xiddigaha dhaawaca uga maqan waxa ay noqon doonaan koox si weyn looga cabsado”.


Source: laacibfm.com

SHARE