Ku Biiristii Georginio Wijnaldum Ee Barcelona Oo Uu Shaki Soo Wajahay, Maxaa Cusub?


Ku Biiristii xiddiga Georginio Wijnaldum ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in uu halis ugu jiro in uu bur-buro sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Holland ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxan lala xidhiidihinayay kooxda Barcelona kuwaas oo qaab xor ah ku doonaya xiddiga.

Xiddiga Wijnaldum oo 5 sano joogay kooxda Liverpool ayaa xor ugu biiri kara kooxda uu doonayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ku biiristii Wijnaldum ee Barcelona shaki ku jiro sabab la xidhiidha in uuna tababare Ronald Koeman hubin shaqadiisa kooxda Barcelona wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Tababare Koeman oo xiddiga Wijnaldum kula soo shaqeeyay xulka qaranka Holland ayaa doonayay xiddiga xagaaga laakiin waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka tababaraha ee kooxda Barcelona.


Source: laacibfm.com

SHARE