Labada Kooxood Ee Uu Kylian Mbappe Doonayo In UU Ku Biiro Oo La Ogaaday.

Labada Kooxood Ee Uu Kylian Mbappe Doonayo In UU Ku Biiro Oo La Ogaaday.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay labada kooxood ee uu ku biiri doono hadii uu ka tago kooxda PSG.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tago kooxda PSG xilli lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.

Kooxaha Real Madrid, Liverpool Iyo Man City ayaa ah kooxaha ilaa haatan lala xidhiidhinayo xiddiga Kylian Mbappe kaas oo wacdaro dhigaya.

Wargayska Sport Mole ayaa sheegaya in uu xiddiga Kylian Mbappe doortay in uu midkood ku biiro kooxaha Real Madrid ama Liverpool hadii uu ka tago kooxda PSG.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga si ay ugu sii hayso kooxda iyaga oo heshiis cusub u soo bandhigaya xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE