Lionel Messi Oo Loo Sheegay In Uu Boorsooyinkiisa Ka Qaabto Camp Nou & Sababta Oo La Sharaxay.


Daafacii hore ee Real Madrid Oscar Ruggeri ayaa aaminsan in Lionel Messi ay tahay inuu ka tago Barcelona marka qandaraaskiisu dhammaado xagaaga.

Xiddiga reer Argentine ayaa tilmaamay in Barcelona ay si xun ula dhaqantay Messi isla markaana uu sheegay in ayna kooxaha reer yurub ka cabsan kooxda Barcelona

“Lionel Messi Waa in uu isaga tago Barcelona”ayuu Ruggeri u sheegay ESPN.

“Wali waa xiddiga ugu fiican laakiin kooxaha kale ayaan haatan Ixtiraamin Barcelona”.

“Way dhamaatay, waa in uu isaga tago, waxyaabo badan ayay ku sameeyeen isaga waxana la soo gaadhay halka haatan la joogo”.

“Ugu horayn Luis Suarez ayay ka eryeen kooxda, waxana ay iloobeen in uu saaxiibkiis yahay iyo mid ka mid ah qoyska Barcelona, Suarez waa gool dhaliye kooxda kama caydhin kartid, ma jiraan xiddigo badan oo la heer ah Luis Suare”.


Source: laacibfm.com

SHARE