Liverpool Oo Heshay War Fiican Ka Hor Kulanka Everton.

Liverpool Oo Heshay War Fiican Ka Hor Kulanka Everton.


Kooxda Liverpool ayaa rajaynaysa in uu xiddiga Fabinho taam buuxa u noqdo kulanka ay Sabtida la ciyaari doonaan kooxda Everton kulan ka dhici doona Anfield.

Xaalka xiddiga ayaan ilaa haatan kala cadayn kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay una diiday labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa.

Laakiin Klopp ayaa xiddiga siin doona fursad uu ku muujiyo taam ahaanshihiisa si uu ugu bilaabo kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto.

Laakiin hadii uu xiddigu muujin waayo taam ahaanshihiisa Klopp ayaan khatar galin doonin xiddiga waxana uu go’aansan doonaa in uu u nasiyo kulanka Sheffield United ee todobaadka dambe.

SOo laabashada Fabinho ee Kooxda Liverpool ayaa muhiim u ah maadama uu Klopp xiddiga Jordan Henderson ku celin doono khadka dhexe kulanka Everton.


Source: laacibfm.com

SHARE