Lyon Oo Heegan Buuxa Gilisay United , Barcelona Iyo Juventus , Mustaqbalka Depay Ayay Shaki Giliyeen


Xilli uu dalabyo ka haysto Barcelona , Juventus iyo United hadana madaxa naadiga Lyon waxa uu ku kalsoon yahay in Depay ay kooxda ku sii hayn karaan .

Jean-Michel Aulas ayaa xusay in uu aamisan yahay in Depay lagu qanci karo in uu sii joogo inkastoo dalabyo waa weyn uu haysto .

Depay ayaan weli hishiis cusub u saxiixin kooxdaas xilli midkiisa haatan uu ku siman yahay xagaaga waxa ayna warar badan tilmaamayaan in uu doonayo in uu ka hoos ciyaaro maaclinkiisii hore ee Ronald Koeman.

Barcelona ayaa muddo baacsaneysa waliba u dhawaatay xagaagii balse dhibaatada dhaqaale ee karoonaha uu reebay ayaa ka hor istaagtay saxiiixsa.

Wargeyska Le Progres ayuu haatan madaxa Lyon ka yiri” weli kama aynu quusan in Depay uu saxiixi doono hishiis cusub, waxa ay u muuqata mid aan dhaceyn hadana isma dhiibeyno”.

Depay ayaa kooxdaas u dhaliyay xilli ciyaareedkaan 13 gool ka dib 25 kulan oo horyaalka France ah waxa ayna kooxdaas haatan ku jirtaa booska sedexaad


Source: laacibfm.com

SHARE