Man United & Liverpool Oo Talaabo Rasmi Ah U Qaaday Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier League.

Man United & Liverpool Oo Talaabo Rasmi Ah U Qaaday Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier League.


Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Labada kooxood ee sida weyn u xafiiltama ayaa lagu soo waramayaa in ay si Rasmi ah xidhiidh ula sameeyeen wakiilka xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro kooxdooda.

Xiisaha labada kooxood ayaa imanay kadib markii ay chelsea isaga hadhay xiisaha xiddiga kadib markii ay kooxdu shaqada ka caydhisay Frank Lampard oo xiddiga doonayay.

Declan Rice ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo kabtan u noqday kooxdiisa waliba ka caawiyay in ay u tartanto boosaska tartamada yurub.

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa xiddiga u arka mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE