Man United Oo Badalka Paul Pogba Ka Heshay Real Madrid.


Kooxda Man United ayaa u muuqata mid isku diyaarinaysa nolol ka dambaysa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Paul Pogba ayaa qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagii laakiin xiddiga ayaa sii joogay sabab la xidhiidha in ayna jirin koox diyaar u ah qiimaha ay Man United dalbanaysay.

Wakiilka xiddiga ayaa sidoo kale sheegay in mustaqbalka Paul Pogba soo dhamaan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba xiddigu isaga tagi doono kooxda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Real Madrid haatanba calaamadsatay badalka Paul Pogba kaas oo ay u arkaan in uu isaga tagi doono kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United calaamdsatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Federico Valverde kaas oo ay u aragto badalka Pogba.


Source: laacibfm.com

SHARE