Man United Oo Guul Fudud Ka Gaadhay Real Sociedad Hal Lug-na La Gashay Wareega 16-ka.

Man United Oo Guul Fudud Ka Gaadhay Real Sociedad Hal Lug-na La Gashay Wareega 16-ka.


Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka Europa League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood si dar-dar ah ku bilowdeen ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado deg-deg ah bilowgii ciyaarta.

Labada kooxood ayaa is dhaafsaday fursado deg-deg ah kuwaas oo ay goolal ku doonayeen iyada oo labada kooxoodba ku dhawaadeen in ay goolal dhaliyaan.

Laakiin ciyaarta ayaa dagtay wixii intaas ka dambeeyay iyada oo kooxda Man United maamulaysay dhanka kubada xilli ay Real Sociedad qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 27-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana hogaanka u dhiibay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaa soo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Real Sociedad ayaa heshay fursado cajiib ah laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen in ay dhamaystiraan fursadaha marka ay goolka la hor tagaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar qurux badan laakiin ay Man United hogaaminayso dhanka natiijada.

Qaybtii dambe ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan kooxda Real Sociedadna ka hor istaagaan in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 57-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana mar kale u dhaliyay xiddiga Burno Fernandes kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Real Sociedad ayaa bur-burtay Man United ayaana sii kordhisay dadaalka ay ku doonayso goolal kale.

Xiddiga Marucs Rashord ayaa daqiqiadii 64-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay ku horayso kooxdiisu.

Man United ayaa mar kale dhalisay gool waxana dhaliyay xiddiga Daniel James laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu Mason Greenwood ku jiray.

Laakiin daqiiqadii 90-aad ayay Man United gool cad dhalisay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Daniel James kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaashay guul ay u qalantay hal lug-na la gashay wareega 16-ka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE