Miyuu Ilkay Gundogan Taam U Noqon Karaa Kulanka Arsenal? Guardiola Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Ilkay Gundogan taam u noqdo kulanka ay kooxdiisu Axada la ciyaari doonto Arsenal kulan Premier League ah.

Xiddiga khadka dhexe oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ayaa dhaawac ku seegay kulankii Everton ee Baaqiga u ahaa kooxda Man City.

Laakiin tababare Guardiola ayaa sheegay in dhaawacii soo gaadhay Ilkay Gundogan in uuna ahayn mid halis u ah sidii laga cabsi qabay.

Guardiola oo xaalka xiddiga ka hadlaya kadib kulankii Everton ayaa yidhi”Haatan wuu fiican yahay”.

“Markii horeba dhaawac halis ah ma ahayn laakiin waxa aan diidnay in aan halis galino xiddiga, maalmo yar kadib wuu soo kabsan doonaa”.

“Kulanka Arsenal taam ayuu noqon doonaa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE