Muxuu Sameeyay Cristiano Ronaldo Kadib Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Porto.


Wargayska Corriere dello Sport ayaa shaaca ka qaaday fal celintii Cristiano Ronaldo ee guuldaradii soo gaadhay kooxda Juventus kulankii champions League.

Kooxda Juventus ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Porto kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaan kooxdiisa ka caawin in ay guul gaadho iyaga oo guuldaro 2/1 ah kala soo laabtay Portugla.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga Ugu fiican Juventus ee Cristiano Ronaldo si weyn uga xanaaqay guuldaradaas iyo khaladaadkii ay saaxiibadiis sameeyeen.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ronaldo saaxiibadiis ku qaliyay markii ay galeen qofka labiska isaga oo ku booriyay in ay saxaan khaladka ay galeen kulanka lugta 2-aad ee tartanka.


Source: laacibfm.com

SHARE