RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

NYON, SWITZERLAND – July 22: A general view of the trophy ahead of the UEFA Champions League 2019/20 Third Qualifying Round draw at the UEFA headquarters, The House of European Football on July 22, 2019 in Nyon, Switzerland. (Photo by Harold Cunningham – UEFA/UEFA via Getty Images)

UEFA ayaa soo saartay Liiska 4-ta xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan tartanka champions League.

Waxa la soo afjaray qayb ka mid ah lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League iyada oo ay 8 kooxood ciyaareed kulamadooda champions League.

Xiddigihii ciyaarayy ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kuwaas oo kooxoohooda ka caawiyay in ay gaadhaan guulo muhiim ah.

UEFA ayaa xiddigahaas ka soo xushay 4 xiddig oo u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu guulaysan doona abaaalmarinta xiddiga ugu fiican.

Xiddigaha u tartami doona ayaa kala ah xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo saddexley ka dhaliyay kooxda Barcelona.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhankiisa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay waliba kooxdiisa guul ku hogaamiyay kulankii RB Leipzig.

Xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland kaas oo dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxdiisu garaacday kooxda Sevilla iyo xiddiga kooxda Fc Porto ee Sergio Oliviera kaas oo kooxdiisa ka caawiyay guul ay ka gaadhay Juventus.


Source: laacibfm.com

SHARE