Real Madrid Oo Wada Xaajood Wax Ku Ool Ah Kula Jirta Badelka Serigo Ramos , La Ligaha Ayay Ka Ishaarteen


Real Madrid ayaa bartilmaameysaneysa in daafac cusub ay la soo hishiiyaan marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan

Real waxa ay baadi goobeysaa badelka Ramos kaasi oo u dhaw in aayihiisa ciyaaraha uu soo afjaro hadiiba aysan dhicin in dhamaadka xilli ciyaareedkaan uu baxo.

Waxa uu tababare Zidane haatan maamulka kooxda farta ugu fiiqay in lala soo hishiiyo da`yarka Villa Real ee Pau Torres kaasi oo labadii xilli ciyaareed ugu dambeeyay ku soo muuqanayay heer ciyaareed aad loola dhacay .

Shabakada Goal ayaa qoreysa in Real ay toos haatan ula xariireen mas`uuliyiinta Villareal iyaga oo ka codsaday in ay hoos u dhigaan qiimaha ay dalbanayaan si hishiiska uu u fududaado .

Villa Real waxa y Pau Torres ku dooneysaa in 60 milyan oo euro xilli Real ay muujisay in aysan awoodin qiimahaas marka la eego xaaladda dhaqaale ee kooxda ee ka dhalatay xanuunka dunida ragaadiyay ee caabuqa karoona.

Marka laga yimaado dhanka lacagta , Real aad ayay ugu rajo weyn yihiin saxiixa 24 sano jirkaas reer Spain maadaama xariir wacan uu kala dhaxeeyo Vila Real .

Pau Torres ayaa kooxdaas Villa Real u saftay dhamaan kulamada ay ciyaareen xilli ciyaareedkaan halka uu dhaliyay laba gool.


Source: laacibfm.com

SHARE