Tottenham Oo Manchester United & Manchester City U Sheegtay Qiimaha Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Harry Kane.


Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Harry Kane hadii ay doonayaan kooxaha reer Manchester Laakiin waxa ay dul dhigtay lacag dhan 150 milyan oo euro.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa jooga 6 sano kooxda Tottenham waxana uu ka fikirayaa in uu isaga tago kooxda hadii ay u soo bixi waydo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kane ayaa dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan Jose Mourinho ayaa si aad ah u doonaya in uu sii haysto xiddiga.

Laakiin hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions League xiddiga ayaa isaga tagi doona kooxda.

Kooxda ayaa dhanka kale ku jira xaalad dhaqaale xumo oo uu sabab yahay xanuunka Korona iyo waliba garoonkii ay kooxdu dhisatay.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Tottenham diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga hadii ay koox miiska u saarto lacag dhan 150 milyan oo euro.

Labada kooxod ee reer Manchester ayaa la rumaysanyahay in ay taageero weyn u yihiin xiddiga reer England iyada oo labadoodaba lala xidhiidhiyay.


Source: laacibfm.com

SHARE