UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League


Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka champions League kadib markii la ciyaaray qaybta ka mid ah wareega 16-ka.

8 Kooxood ayaa ciyaaray kulamo xiiso leh iyaga oo min 4 kulan u ciyaaray lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig kadib guul ay ka gaadheen kooxda RB Leipzig.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhankooda shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Juventus, Sevilla iyo PSG min hal xiddig shaxda ku leeyihiin.


Source: laacibfm.com

SHARE