Waa Maxay Sababtii Ay Man United Indh-Indheeyayaasha Ugu Dirtay Kulankii Sevilla & Dortmund?


Kooxda Man United ayaa indha-indheeyayaal u dirtay kulankii champions League ee ay wada ciyaarayeen kooxaha Sevilla iyo Borussia Dortmund.

Man United ayaan ku jirin champions league xilli ciyaareedkan laakiin masuuliyiinta Man United ayaa xiiso gaar ah siiyay kulankii Sevilla iyo Dortmund.

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay Masuuliyiinta Man United si gaar ah ula socdeen kulankii Sevilla iyo Dortmund ee ay guushu raacday kooxda Dortmund.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Maamulka Man United si gaar ah ula socdeen xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla ee Jules Kounde kaas oo ay doonayaan saxiixiisa.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga Jules Kounde kaas oo lagu qiimeeyo 60 milyan oo euro si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe marka la gaadho xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE