Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Everton.

Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Everton.


Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaaladaha xiddigaha kooxdiisa dhaawaca uga maqan ka hor kulanka adag ee Premier League.

Liverpool aya sabtida marti galin doonta kooxda ay jaarka yihiin ee Everton kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Naby waxa uu tababar buuxa la qaatay kooxda laakiin waa in aan aragno waxa dhaca”.

“Fabinho wali tababarka buuxa kuma soo laaban laakiin isaga iyo xiddigaha kale ee dhaawaca ku maqan way soo dhawaanayaan”.

“Fabinho waxa uu ku dhawyahay in uu ku soo laabto garoomada sidoo kale Milner iyo Diogo Jota laakiin taam buuxa uma ahan si ay ugu bilowdaan kulanka Everton”.

“Keita waxa uu maalintii 3-aad kooxda la qaatay tababar buuxa sidaas darteed waxa aan eegi doonaa in uu ciyaaro daqiiqado iyo in kale”.


Source: laacibfm.com

SHARE