Koox Xaqiijisay In Ay Wadahadalo Kula Jirto Edinson Cavani.


Madaxweyne ku xigeenka kooxda Boca Juniors ee Juan Roman Riquelme ayaa xaqiijiyay in ay kooxda reer Argentine doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo ay Man United heshiis 12 sano ah dookh u haysato.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa ilaa haatan ka caga jiidaysa in ay dhaqan galiso heshiiska halka sano ah ee dookha ah taas oo ay Boca si dhaw ula socoto.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Boca Juniors ayaa xidhiidh dhaw la leh Cavani waxana uu doonayaa in uu xiddiga ku qanciyo in uu xagaaga ku qanciyo in uu kooxdiisa keeno.

Cavani ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Man United tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray suuqii xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE