Liverpool Mise Everton? Kulanka Adag Ee Merseyside Derby Oo La Saadaaliyay

Liverpool Mise Everton? Kulanka Adag Ee Merseyside Derby Oo La Saadaaliyay


Goolhayihii hore ee Premier League ee Brad Friedel ayaa saadaaliyay kooxda Badan doonta kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Everton Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa Anfield kula ciyaari doonta Everton Sabtida xilli ay cadaadis xoogan ku jiraan kadib markii laga badiyay 3 kulan oo xidhiidh ah.

Everton ayaa dhankeeda ku jirta qaab ciyaareed xun kadib markii ay badiyeen kaliya hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Brad Friedel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka aan eego qaab ciyaareedka Liverpoo, waxa aan aaminsanahay in ay tahay markii ugu fiicnayd ee ay Everton ka badin lahayd Liverpool laakiin wali waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool ka fiicantahay xitaa iyada oo dhaawacyadu jiraan”.

“Waxa jiri doona fursado badan oo kulanka ah Liverpool ayaana maamuli doonto kulanka si dhib yar=na uga badin doonta kooxda Everton”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE