Liverpool Oo Laga Doonayso Saxiixa Takumi Minamino & Qiimaha Diyaarka Loola Yahay Oo Loo Sheegay.


Kooxda Liverpool ayaa laga doonayaa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Takumi Minamino kaas oo xiiso ka helaya kooxda Sevilla.

Xddiga reer Japan ayaa kooxda Southampton amaah ugu biiray bishii January kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Jurgen Klopp.

Klopp ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga waliba ayna kooxdu doonayn in ay iska iibiso.

Laakiin wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Sevilla doonayso saxiixiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Sevilla taageero weyn u tahay Minamino waliba diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacag dhan 10 milyan oo euro.

Minamino ayaa suuqii January 2020 kaga soo biiray Liverpool kooxda RB Salzburg isaga oo dhaliyay kaliya 4 gool 31 kulan oo uu kooxda u saftay.


Source: laacibfm.com

SHARE