Liverpool Oo Real Madrid Kaga Horaysa Saxiixa Kylian Mbappe Laakiin Los Blancos Ayaa Ronaldo U Adeegsan Doonta Saxiixiisa, Qaab Nooce Ah.

Liverpool Oo Real Madrid Kaga Horaysa Saxiixa Kylian Mbappe Laakiin Los Blancos Ayaa Ronaldo U Adeegsan Doonta Saxiixiisa, Qaab Nooce Ah.


Qiimaha Kylian Mbappe ayaa si waali ah kor ugu kacay kadib markii uu xasuuqay kooxda Barcelona waxana haatan Real Madrid saxiixa xiddiga kula biirtay kooxda Liverpool kuwaas oo haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga.

Heshiiska Kylian Mbappe ee kooxda PSG aya dhici doona xagaaga 2022 kooxda reer France ayaana madaxa xiddiga dul dhigtay qiimo lacageed oo dhan 200 oo milyan si ay u iibiyaan xiddiga.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan Real Madrid kaga horayso saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Real Madrid saxiixa Kylian Mbappe ka caawin karo xiddigoodii hore ee Cristano Ronaldo.

Real Madrid ayaa u baahan lacag ay kula soo saxiixato Mbappe madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa xiddiga u Mbappe u soo bandhigi doona Maaliyadii No.7 ee Cristiano Ronaldo.

Waxa si weyn loo arkay in uu Mbappe taageero weyn u yahay xiddiga Cristiano Ronaldo Florentino Perez ayana rajaynaya in ay maaliyadiisii Real Madrid ka caawiso in ay saxiixa xiddiga ugu guulaysato.


Source: laacibfm.com

SHARE