Liverpool Vs Everton : Reds Oo Taariikh Liidata Isku Qoreysa Haddii Ay Guul-dareystaan Kulankaan


Liverpool waxaa kulankaan Everton shaki laga gilinayaa Milner iyo Fabinho kuwaasi oo aan diyaar buuxa aheyn .

Balse Naby Keita ayaa la filayaa in uu kulankaas ciyaaro halka Jota uusan weli diyaar aheyn isna

Xogta Kulanka

* Liverpool ayaa bilaa guul darro ah 23-kii kulan ee hore dhamaan tartamada ee ay la ciyaareen Everton , 11 jeer waa ay badiyeen halka 12 ay galeen bar bar dhac .

*Everton 20-kulan oo xiriir ah aysan wax guul ah ka gaarin Liverpool iyadoo heerka koowaad la joogo waana tii ugu xumeyd oo ay kala kulanto hal koox oo ay ka hor tageen

* Liveprool ayaa guul dareystay sedex kulan oo horyaalka ah markii ugu horeeysay tan iyo bishii November ee sanadkii 2014-kii

*Reds ayaa kaliya labo jeer u adkaysatay afar guuldaro oo Premier League ah oo xiriir ah, September 1993 iyo November ilaa December 2002.

* Haddii Liverpool kulankaan horyaalka ah laga badiyo iyadoo garoonkeeda joogta waxa ay noqoneysaa markii afaraad taariikhda ee ay ku dhaceyso arintaan waxa ayna horay ugu dhacday xilli ciyaareedkii 1923/1924

*Everton waa bilaa guul darro todobadii kulan ee ugu dambeeysay horyaalka ee banaanka garoonkooda , shan jeer waa badiyeen halka laba ay galen bar bar dhac


Source: laacibfm.com

SHARE