Man City Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Kooxdu Dalab 430 Milyan Ah Miiska U Saartay Lionel Messi.


Kooxda Man City ayaa beenisay wararka sheegaya in ay xiddiga Barcelona ee Lionel Messi Miiska u saartay dalab dhan 430 milyan oo euro.

Messi oo 33 jir ah ayaa isku dayay in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagii isaga oo xiiso ka helay Kooxda Pep Guardiola laakiin heshiiska ayaa dhici waayay waxana uu sii joogay kooxda.

Si kasta ha ahaatee waxa ay u badantahay in uu xiddigu isaga tago kooxda Barcelona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in ay kooxda Man City dalab 430 milyan ah u soo bandhigayso xiddiga iyaga oo hoos uga dhigay dalabkii markii hore ee ahaa 600-da boqon ee milyan.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Kooxda Man City diyaar u ahayn in ay xiddiga miiska u saarto dalabkii hore sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee uu xanuunka Korona sababta u noqday.

Laakiin afhayeenka kooxda Man City ayaa beeniyay wararkaas isaga oo sheegay in ayna Man City wax dalab ah miiska u saarin Messi haatan ama xagaagii.


Source: laacibfm.com

SHARE