Man City Oo Wax Ka Badashay Dalabkii Ay Miiska U Saartay Lionel Messi, Sababa?

Man City Oo Wax Ka Badashay Dalabkii Ay Miiska U Saartay Lionel Messi, Sababa?


Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay hoos u dhigtay dalabkii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyaga oo ka dhigay 170 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Messi aya si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay Man City iyo PSG ku dagaalamayaan saxiixiisa.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man City Lionel Messi u soo bandhigtay heshiis 600 oo milyan ah xagaagii hore.

Laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa haatan heshiiskka ka dhigtay lacag dhan 430 milyan oo euro sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee ay kooxdu ku jirto.

Messi ayaa dhanka kale noqon doona 34 jir marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona dhamadka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa doonaysa in uu Lionel Messi kooxda sii joogo ugu yaraan 2 sano ka hor inta uuna ku biirin kooxda kale ee ay leeyihiin milkiilayaasha Man City ee New York City ee dalka Maraynka.


Source: laacibfm.com

SHARE