Miyuu Jurgen Klopp Ku Wada Bilaabi Doonaa Daafacyadiisa Ozan Kabak & Ben Davies? Tababaraha Ayaa Ka Jawaabay.

Miyuu Jurgen Klopp Ku Wada Bilaabi Doonaa Daafacyadiisa Ozan Kabak & Ben Davies? Tababaraha Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay suurtagalnimada ay xiddigaha Ozan Kabak iyo Ben Davies ugu wada bilaaban karaan daafaca Liverpool kulanka Everton ee Premier League.

Klopp ayaa kooxdiisa hogaamin doona kulan adag oo premier League ah iyaga oo si aad ah u doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha premier League.

Klopp ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu ugu wada bilaabi karo shaxdiisa xiddigaha Ozan Kabak iyo Ben Davies kuwaas oo aan wali isaga garab ciyaarin daafaca dhexe

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa in aan qiimayno xaaladeena daafaca iyo dookhyada aan haysano wax waba ka hor”.

“Laakiin waxa jirta fursad weyn oo ay isaga garab ciyaari karaan Kabak iyo Davies sababta oo ah waxa ay ku jiraan xaalad fiican”.


Source: laacibfm.com

SHARE