Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay 3 Xiddig Oo Shaki Dhaawac Ku jiro Ka Hor Kulanka Newcastle United.

Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay 3 Xiddig Oo Shaki Dhaawac Ku jiro Ka Hor Kulanka Newcastle United.


Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha xiddigaha Edinson Cavani, Scott McTominay iyo Donny Van de Beek kulanka Newcastle ee Axada.

Xiddigaha Edinson Cavani iyo Donny Van de Beek ayaa seegay kulankii Europa League ee ay Man United guusha ka gaadhay kooxda Real Sociedad Khamiistii sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah.

Solskjaer ayaa sheegaya in uu rajaynayo in ay 3-da xiddig taam u noqdaan kulanka laakiin go’aanka kama dambaynta ah waxa la qaadan doonaa Tababarka Sabtida.

“Waxan rajaynaynaa in ay Donny Van de Beek iyo Edinson Cavani taam noqdaan laakiin ma hubo”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa laga yaabaa in ay taam noqdaan ama ay taam noqon waayaan laakiin waxa aan go’aanka kama dambaysta ah qaadan doonaa sabtida”.


Source: laacibfm.com

SHARE