Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Talaabo Ay Man United Qaaday Kuna Saabsan Mustaqbalka Edinson Cavani.

Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Talaabo Ay Man United Qaaday Kuna Saabsan Mustaqbalka Edinson Cavani.


Tababaraha Koxoda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay Man United wadahadalo heshiis kordhin ah la furi doonto xiddiga Edinson Cavani.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray xagaagii markaas oo uu saxiixay heshiis hal sano ah.

Edinson Cavani ayaa dhaliyay 7 gool 24 kulan oo tartamada oo dhan ah Solskjaer ayaana si cad u sheegay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga.

Tababare Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay in uu Cavani sii joogi doono kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe waxana uu ku jawaabay”Waxa kaliya ee aan odhan karo ayaa ah in uu Cavani qabtay shaqo fiican”.

“Aad ayaan ula dhacay qaab ciyaareedkiisa si fiican ayuuna ula qasbaday kooxda waxana aan ku arkaa qorshahayga mustaqbalka dhaw.

“Waxa aan dhawaan wadahadalo la bilaabi doonaa si aan uga hadalno mustaqbalka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE