Owen Hargreaves Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Europa League Xilli Ciyaareedkan.


Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Owen Hargreaves ayaa sheegay in ay Man United tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan kadib guushii weynayd ee ay ka gaadheen kooxda Real Sociedad.

Kooxda Man United ayaa 4 gool oo marti ah soo dhalisay haatana hal lug la gashay wareega 16-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Bruno Fernandes (2), Marcus Rashford iyo Daniel James ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul weyn.

Owen Hargreaves ayaana rumaysan inay yihiin kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

“Shaki la’aan iyaga ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga Europa League”ayuu Owen Hargreaves u sheegay BT Sport.

“Waxan u malaynayaa in ay koobka ku guulaysan doonto Man United wax walba oo dhaca”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE