RASMI: Zidane Oo Soo Saaray liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Valladolid


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Zidane ayaa ku dhibaatoonaya dhibaato kooxdiisa ah isaga oo dhaawac ku waayay xiddiga Karim Benzema kaas oo ah xiddigii ugu dambeeyay ee kooxda ka dhaawacmay.

Zidane ayaan haatan haysan weeraryahan weyn oo hogaamiya weerarka kooxdiisa isaga oo adeegsan doona xiddiga Mariano Diaz kadib dhaawacii Benzema.

Kadib dhaawaca Benzema Real Madrid ayaa sidoo kale dhaawac ku wayday xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal, Rodrygo Goes, Fede Valverde, Alvaro Odriozola, Eden Hazard, Marcelo & Eder Militao kuwaas oo dhamaantood seegaya kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE