Real Madrid Oo Arsena Ka Diiday In Ay Toos Ula Wareegto Martin Odegaard & Erling Haaland Oo Sabab U Ah

Real Madrid Oo Arsena Ka Diiday In Ay Toos Ula Wareegto Martin Odegaard & Erling Haaland Oo Sabab U Ah


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday in ay si toos ah ula wareegto xiddiga iyaga oo doonaya in ay sii haystaan xiddiga maadama ay aaminsanyihiin in uu xiddiga khadka dhexe door weyn ka ciyaari karo in uu xiddiga Erling Haaland ku qanciyo ku biirista kooxda.

Martin Odegaard ayaa haatan Amaah kula jooga kooxda Arsenal waxana jira warar sheegaya in ay Gunners doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in xidhiidhka dhaw ee uu xiddiga 22 jirka ah la leeyahay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Ering Haaland ay la macno tahay in ayna kooxdu iibin doonin xagaaga.

Haaland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo 25 gool dhaliyay 24 kulan tartamada oo dhan.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa 68 milyan oo euro lagu bur-burin karaa heshiiskiisa Dortmund xagaaga waxana doonaya kooxo badan oo reer yurub.


Source: laacibfm.com

SHARE