Real Madrid Oo Uu Xaalku Ku Xumaaday & Karim Benzema Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada.

Real Madrid Oo Uu Xaalku Ku Xumaaday & Karim Benzema Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada.


Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa Liiska dhaawacyada ku biiray isaga oo dhaawac ku seegi doona kulanka ay kooxda Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Real Valladolid.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah tababare Zidane iyo kooxdiisa waxana uu sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka Atalanta ee Champions League ee 6 maalin kadib.

Wargayska MARCA ayaa xaqiijiyay in uu Karim Benzema seegi doono kulanka Real Valladolid halka uu sidoo kale seegi karo kulanka Atalanta ee champions league.

Benzema ayaa dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Valencia waxana ay kooxdu diidaysaa in ay halis galiso xiddiga.

Xiddiga Karim Benzema ayaa Liiska dhaawacyada kula biiray xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal, Rodrygo Goes, Fede Valverde, Alvaro Odriozola, Eden Hazard, Marcelo & Eder Militao.


Source: laacibfm.com

SHARE