Sergio Aguero Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man City, Maxaa Cusub.

Sergio Aguero Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man City, Maxaa Cusub.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa qirtay in uuna wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa kooxda Man City.

Sergio Aguero ayaa wakhti adag ku qaatay Man City xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 3 kulan ku bilowday shaxda kooxda 3 kalena badal ku soo galay tartamada oo dhan.

Aguero ayay 4 bilood uga hadheen heshiiskiisa kooxda Man City taas oo keentay in uu shaki soo wajoho mustaqbalkiisa kooxda Man City.

Laakiin xiddiga 32 jirka ah ayaa sheegay in uuna wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa walina ay wax walba suurtagal yihiin.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu heshiiskaygu dhamaan doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, wali ma garanayo waxa xiga”.

“Waxa ugu horeeya ee aan doonayo ayaa in aan marka hore ku soo laabto ciyaarista kadib aan eegno dhamaadka xilli ciyaareedka waxa dhaca”.


Source: laacibfm.com

SHARE