Southampton Vs Chelsea : Tababare Tuchel Oo Taariikh Ku Gali Kara Guul Uu Ka Soo Gaaro Southampton

Southampton Vs Chelsea : Tababare Tuchel Oo Taariikh Ku Gali Kara Guul Uu Ka Soo Gaaro Southampton


Chelsea ayaa kulan horyaalka ah waxa ay marti ugu yihiin Southampton iyadoo Tammy Abraham oo dhaawac ka sheeganayay la filayo in uu safto kulankaas

Kai Havertz ayaa isna diyaar ah balse Thiago Silva iyo Christian Pulisic ayaa ka maqanaanaya kulankaas

Xogta Kulanka

* Chelsea ayaa 5 kulan ee xariir ah oo horyaalka ah waxa ay ku soo gaareen garoonka Southampton

* Southampton kaliya waxa ay badiyeen hal kulan 11 kulankii ee hore ee dhamaan tartamada waxa ay guul dareysteen 8 jeer halka hal kulan ay galeen bar bar dhac

* Southampton waxa ay guul dareysteen lix kulan oo isaga waliba horyaalka ah markii ugu horeeysay taarikhda kooxdaas.

* Chelsea ayaan laga badin lixdii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada waana tan iyo markii macalinka cusub ee Thomas Tuchel uu qabtay maamulka kooxdaas , waxa ay badiyeen 5 jeer halka midna ay galeen bar bar dhac

* Tuchel waxa uu noqon karaa macalinkii ugu horeeyay Chelsea tan iyo Carlo Ancelotti ee sanadkii 2009-kii kaasi oo badiya sedexda kulan ee ugu horeeya horyaalka ee banaanka garoonkiisa


Source: laacibfm.com

SHARE