Thomas Tuchel Oo Sharaxay Sababta Uu Hakim Ziyech Uga Maqan Yahay Kulamada Chelsea Wakhtigii Ugu Dambeeyay.

Thomas Tuchel Oo Sharaxay Sababta Uu Hakim Ziyech Uga Maqan Yahay Kulamada Chelsea Wakhtigii Ugu Dambeeyay.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa dusha saartay masuuliyada uu xiddiga Hakim Ziyech ugu dhibaatoonayo kooxda tan ilaa markii uu Tababaraha u noqday chelse.

Hakim Ziyech ayaa 36 milyan oo euro ugu soo biiray chelsea xagaagii waxana uu ku bilowday si fiican kulamadiisii ugu horeeyay.

Laakiin dhaawac soo gaadhay bishii December ayaa joojyay horumarka xiddiga garabka ka ciyaara.

Frank Lampard oo kooxda keenay Hakim Ziyech ayaa shaqada laga caydhiyay waxana lagu badalay tababare Tuchel.

Hakim Ziyech ayaa kaliya hal kulan ku bilowday kulamadii uu Thomas Tuchel hogaaminayay waxana uu xiddigku ku dhibaatoonayaa in uu boos ka helo kooxda.

“Aniga ayaa iska leh eeda, waa go’aankayga”ayuu Tuchel yidhi.

“Hakim iyo xiddigo kale oo kooxda jooga waxa ay igu adkeeyaan go’aanka safasashada kulamada taasna waxa ay la macno tahay in ay tayo leeyihiin”.

“Hakim haatan wuu ku dhibaatoonayaa chelsea aniga ayaana sabab u ah waana in uu i Tuso wax badan”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE