Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac EeSilva, Abraham, Havertz & Pulisic Ka Hor Kulanka Southampton.

Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac EeSilva, Abraham, Havertz & Pulisic Ka Hor Kulanka Southampton.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha kooxdiisa ee Silva, Abraham, Havertz & Pulisic ka hor kulanka Southampton ee premier League.

Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premeir League kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee Kooxda tartanka.

Xiddigaha Silva, Abraham, Havertz & Pulisic ayaa kooxda uga maqnaa dhaawacyo kala duwan waxan uu tababaruhu ka warbixiyay xaaladooda ka hor kulanka.

Tababaraha oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Tammy waxa uu u muuqdaa mid fiican”.

“Waxa uu dareemayaa xaalad fiican waxana uu xor u yahay tababarka in uu qaato, hadii uu tababarka buuxa qaato waxa uu ka qayb ahaan doonaa kooxda ka hor tagi doonta Southampton”.

“Thiago Silva wuu seegid doonaa kulanka, wali taam uma ahan in uu ciyaaro”.

“Christian Pulisic wali waxa uu xanuun ka dareemayaa kubka, ma ahan wax weyn laakiin wali ma hubno sida ay xaalkiisu yahay”.

“Kai Havertz waxa uu ku soo laabtay tababarka waxana uu ka qayb qaadan doonaa kulanka Southampton”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE