Arsene Wenger Oo Eeda Bar-Barihii Chelsea La Gashay Southampton Dusha Ka Saaray 3 Xiddig.


Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa weerar kuq aaday xiddigaha daafaca daafaca ua ciyaara chelseakadib bar-barihii ay chelsea la gashay Southampton.

Koxoda Thomas Tuchel ayaa bar-baro lagu qabtay inkasta oo ay iyagu maamulayeen inta badan ee ciyaarta.

Chelsea ayaa si weyn u maamushay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin Southampton ayaa ciyaarta ka baxday iyaga oo hogaaminasa kulanka.

Xiddiga amaahda uga maqan Liverpool ee Takumi Minamino ayaa dhaliyay goolka 1-aad kadib markii uu baas cajiib ah ka helay Nathan Redmond.

Wenger ayaana rumaysan in xiddigaha Kurt Zouma, Cesar Azpilicueta iyo Reece James ay ahayd in ay qabtaan shaqo fiican oo ay ku hor istaagaan goolka.

“Minamino waxa uu muujiyay daganaan inkasta oo ay Southampton cadaadis xoogan ku jirtay”ayuu Wenger u sheegay beIN SPORTS.

“Xiddigu waa farshaxanleh laakiin waxa aan sidoo kale Chelsea farshaxan xun ku ahayd difaacasho xun”.

“Zouma ayaa dib u soo jeestay taas oo keentay in uu farqi weyn u dhexeeyo isaga iyo Azpilicueta sidoo kale marka aad eegto Reece James waxa ay ahayd in uu isagu joogo booska Azpilicueta”.

“Ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya 3-da xiddig laakiin goolku waxa uu ahaa mid cajiib ah’.


Source: laacibfm.com

SHARE