Chelsea Oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Saxiixa Xiddig Ay Kaga Dhagantahay Thomas Tuchel.

Chelsea Oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Saxiixa Xiddig Ay Kaga Dhagantahay Thomas Tuchel.


Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab 78 milyan euro ah ka gudbiso weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ku raaxaysanaya xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 23 gool 21 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa waxba ka qaban karin ka tagista xiddiga reer Norway hadii ay koox bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda.

Wargayska Winsport ayaa sheegaya in ay chelsea ka go’antahay in ay k guulaysato saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Chelsea ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dalab fuirtaan ah oo dhan 78 milyan oo euro miiska u saarto kooxda Dortmund si ay u hesho saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE