Dib U Eegid:Thomas Tuchel Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League.

Dib U Eegid:Thomas Tuchel Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League.


Kooxda chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga Mason Maunt ayaa dhibic-da u badbaadiyay kooxdiisa kadib markii uu rikoodhe dhaliyay kaas oo isaga lagu galay khaladka.

Bar-Barahaas ayaa la macno ah in uuTababare Thomas Tuchel sii wado rikoodhkiisa guuldaro la’aanta tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Thomas Tuchel ayaa isku qoray taariikhda Premier League kadib markii uu ka badbaaday guuldaro ka soo gaadha kooxda Southampton horyaalka premier League.

Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii 16-aad ee taariikhda Premeir league guuldaro ka badbaada 6-diisa kulan ee ugu horeeyay.

Sidoo kale waa tababarihii ugu horeeyay tan ilaa Maurizio Sarri kaas oo rikoodhkaas dhigay bishii September 2018.


Source: laacibfm.com

SHARE