Go’aanka Lionel Messi Ee Ku Aadan Ku Biirista Man City Oo La Ogaaday.

Go’aanka Lionel Messi Ee Ku Aadan Ku Biirista Man City Oo La Ogaaday.


Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in in ay dalab waali ah miiska u saartay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi si ay xagaaga u helaan xiddiga.

Laakiin xiddiga reer Argentine ayaa lagu soo waramayaa in uuna wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa iyo kooxda uu ku biiri doono.

Messi ayaa doonayay in uu xagaagii hore isaga tago kooxda Barcelona xagaagii waxana la filayaa in uu qaab xor ah uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man City xiddiga Lionel Messi miiska u saartay lacag dhan 430 milyan oo euro si ay xiddiga u hesho xagaaga.

Laakiin isla wargayska ayaa sheegaya in uuna Lionel Messi wali go’aan kama dambays ah ka gaadhin mustaqbalkiisa ilaa haatan.

Kooxda Man City ayaa tartan ku aadan Saxiixa Lionel Messi kala kulmaysa kooxda PSG kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga reer Argentine.


Source: laacibfm.com

SHARE