Hordhac: Arsenal Vs Man City: Citizen Oo Ka Awood Badan Gunners Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Hordhac: Arsenal Vs Man City: Citizen Oo Ka Awood Badan Gunners Kulamadii Ugu Dambeeyay.


Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Man City kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee Premier League.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira waliba doonaya in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka ah.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo laba guul gaadhay 5-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League.


Kulanka: Arsenal Vs Man City


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 7:30


Garoonka: Emirates Staduim


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa laga badiyay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay Man City, kooxda kaliya ee ay Arsenal guuldro intaas ka badan oo xidhiidh ah kala kulantay ayaa ah Leeds United oo ay kala kulmeen 8 guuldaro.

Tan ilaa markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulmeen garoonka Emirates Bishii December 2015, Man City ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Arsenal premier League 10-kii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo waliba ugu yaraan dhaliyay 2 gool kulamadaas.

Arsenal ayaa ku fashilantay in ay gool ka dhaliso Man City 3-dii kulan ee ugu dambaysay laakii Gunners ayaan 4 kulan oo xidhiidh ah ku fashilmin in ay gool ka dhaliso koox kale oo garoonkeeda ku ciyaaraysa.

Man City ayaa 4/1 ku garaacday Arsenal kulan ka dhacay Emirates oo ka tirsanaa Carabao Cup-ka, kaliya labada koox ee Gunners laba jeer ku garaacay garoonkeeda xilli ciyaareed kaliya ayaa kala ah Notthingham Forrest iyo Aston Villa.


Source: laacibfm.com

SHARE