Hordhac: Man United Vs Newcastle United: Red Devils Oo Guusha 2-aad Ee Ugu Badan Ku Leh Newcastle.

Hordhac: Man United Vs Newcastle United: Red Devils Oo Guusha 2-aad Ee Ugu Badan Ku Leh Newcastle.


Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka Premier League kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la gashay kooxda West Brom.

Dhanka kale kooxda Newcastle United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira wakhti adag kaliyana 2 guul gaadhay 5-tii kulan ee ugu dambaysay.


Kulanka: Man United Vs Newcastle United


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 10:00


Garoonka: Old Trafford


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League la ciyaartay Newcastle United.

Newcastle United ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 35-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay United kula ciyaartay Old Trafford guushaas ayaana timid sanadkii 2013.

Man United Ayaan 3 kulan oo xidhiidh ah koox kaga badin kulan premier League ah 3 gool iyo wax ka badan tan ilaa kulankii Aston Villa ee intii u dhexaysay April 2013 iyo March 2014.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda 2-aad ee ay Newcastle Guuldarada ugu badan kala kulantay Premier League iyaga oo kala kulmay 80 guuldaro kaliya Liverpool oo ay 81 guuldaro kala kulmeen ayaa ka badan.


Source: laacibfm.com

SHARE