Klopp Oo Niyad Ka Muujiyay Dhaawaca Henderson , Imisa ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?

Klopp Oo Niyad Ka Muujiyay Dhaawaca Henderson , Imisa ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?


Tababaraha kooxda Liverpool ayaa war aan lagu farxin ka sheegay xaaaladda dhaawac ee Henderson .

Laacibkaas ayaa ku dhaawacmay kulankii Everton ee wareegga 25-aad ee horyaalka xilligaas oo kooxda Klopp lagu garaacay laba gool oo nadiif ah

Henderson ayaa dhaawac looga saaray kulankaas daqiiqadii 29-aad ka dib markii uu dhameystiran waayay .

Mar macalinka wax laga weydiiyay xaaladda Henderson waxa ee Bein Sport ka yiri ” uma muuqato in dhaawaca uu yahay mid fudud”.

” Waxa uu ka sheeganayaa dhaawac muruqa ah , umana muuqato mid sahal ah , ma naqaan heerka kala baxa muruqa uu gaarsiisan yahay balse berito ayaan ogaaneynaa”.

Warar durba soo baxaya ayaa sheegaya in Henderson uu dhawacaas la maqnaanayo muddo sedex asbuuc ah , waxa ayna tani sii cakirineysaa xaaladda kooxda oo dhibaato daafac ka sheeganeysa


Source: laacibfm.com

SHARE