La Ogaaday: Solskjaer Oo Sabab U Ahaa In Ay Man United Ku Fashilantay Saxiixa Dayot Upamecano


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa daafaca Dayot Upamecano kadib markii uu tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ka soo hor jeestay saxiixa xiddiga.

Red Devils ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa daafaca reer France laakiin Koxoda Bayern Munich ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ka codsaday maamulka kooxda in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Dayot Upamecano sabab la xidhiidha in uu doonayo daafaca ku ciyaara lugta bidix.

Xiddigaha Harry Maguir iyo Victor Lindelof ayaa ah xiddigaha 1-aad ee kooxda Man United daafaca uga ciyaara waxana ay labadooduba ku ciyaaraan lugta midig.

Sidaas darteed Solskjaer ayaa dalbaday in loo keeno daafac ku ciyaara lugta Bidix maadama uu Dayot Upamecano ku ciyaaro Lugta midig haatana kooxda ku haysto xiddigo lugta midig ku ciyaara.


Source: laacibfm.com

SHARE