Liverpool Mise Everton? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Merseyside Derby


Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyay kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Everton kulan Premier League ah.

Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Liverpool guul dirqi ah ka gaadho kooxda Everton kulanka Merseyside Derby ee maanta dhici doona.

Reds ayaa ku jirta wakhti adag iyaga oo aan wax guuldaro ah gaadhin kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Laakiin Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Liverpool guul dirqi ah gaadhi doonto kulanka caawa ee horyaalka premier Leageu.

“Waa arin cajiib ah in ay Liverpool galaysa Merseyside Derby iyaga oo aan guuldaro la kulmin 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Anfield”ayuu Michael Owen Yidhi.

“Waxana aan Liverpool u saadaalinyaaa in ay Liverpool mar kale garaacdo Everton waliba gaadho guul 2/1 ah kulankan”ayuu Michael Owen sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE