Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh 98 jir Ah.


Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato rikoodh guuldarooyinka ah oo ay dhigtay 98 sano ka hor.

Reds ayaa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu horaysay premier League iyaga oo guuldaro kaal kulmay kooxaha Burnley, Brighton iyo Man City waxana ay isha ku haysaa inmarkii 2-aad ee taariikhdeeda laga badiyo 4 kulan oo xidhiidh ah.

Kooxda Liverpool ayaa 4 guuldaro oo xidhiidh ah la kulantay xilli ciyaareedkii 1923/1924 markaas oo ay dhigtay rikoodhkas xun.

Dhanka kale Liverpool ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha si ay ugu tartanto boosaska champions League oo ayna kooxaha ka horeeya ka fogaan.


Source: laacibfm.com

SHARE