Luke Shaw & Harry Maguire Oo Amad Diallo Bar-Bar Dhigay Xiddig U Ciyaara Man City.


Xiddiga kooxda Man United ee Luke Shaw & Harry Maguire ayaa xiddiga cusub ee Amad Diallo bar-bar dhigay xiddiga kooxda Man City ee Riyad Mahrez.

Shaw ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga Diallo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara Man United ee Luke Shaw ayaa sheegay in kabtanka Man United ee Harry Maguire Amad bar-bar dhigay xiddiga Man City ee Riyad Mahrez.

“Wali waa xiddig da’yar ah laakiin waxa uu yimid tababarka waxana aan ka arkay kalsooni weyn”ayuu shaw u sheegay Sky Sport.

“Waxa aad ka arki kartaa sida uu u ciyaarayo, taabashadiisa ugu horaysa ee kubadu waa mid cajiib ah”.

“Run ahaantii waa xiddig orod badan waliba xirfad cajii ah leh waxana aan Harry ku raacay in uu la mid yahay Riyad Mahrez”.


Source: laacibfm.com

SHARE