Man United Oo Ku Fashilantay Dalab Sareeya Oo Ay Xagaagii Ka Gudbisay Ansu Fati

Man United Oo Ku Fashilantay Dalab Sareeya Oo Ay Xagaagii Ka Gudbisay Ansu Fati


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalab waali ah oo dhan 130 milyan oo euro xagaagii kaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Ansu Fati.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa dhaaeac uga maqan kooxda Barcelona kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

Laakiin xiddiga ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool iyo 4 caawin 10 kulan oo uu ciyaaray.

Fati ayaan guud ahaan dhaliyay 13 gool iyo 5 caawin 43 kulan oo uu u saftay kooxda kadib markii uu kooxda 1-aad u soo dalacay xilli ciyaareedkii hore.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Man United xagaagii dalab 130 milyan ah miiska u saartay Barcelona si ay u hesho saxiixa Fati.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in uuna xiddiga 18 jirka ah iib ahayn kana mid yahay qorshaha mustaqbal ee kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE