Mohamed Salah Waa Xiddiga Ugu Bakhaylsan Ee Aan Arkay Kubada Cagta Laakiin…

Mohamed Salah Waa Xiddiga Ugu Bakhaylsan Ee Aan Arkay Kubada Cagta Laakiin…


Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa sheegay in uu xiddiga Mohamed Salah yahay xiddiga ugu bakhaylsan ee uu arkay kubada cagta laakiin sidoo kale sheegay in ay arintaas tahay wax aan xumayn.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan.

Graeme Souness oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mohamed Salah waa xiddiga ugu bakhaylsan ee aan arkay noloshayda laakiin arintaas wax xun uma ahan weeraryahan”.

“Waxa aan hubaa in ayna xiddigaha ay isku kooxda yihiin mararka qaar ku faraxsanayn waxa uu samaynayo”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay 16 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya gool dhalinta premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE