Real Madrid Oo Halis Ugu Jirta In Ay Waydo 9 Xiddig Kulanka Atalanta Ee Champions League.


Kooxda Real Madrid ayaa wali ku dhibaatoonaysa dhaawacyada badan ee soo gaadhay xiddigeheeda iyada oo uu Karim Benzema ku biiray Liiska dhaawacyada taas oo shaki galinaysa taam ahaanshihiisa kulanka Atalanta ee champions League.

Xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal, Eden Hazard iyo Karim Benzema ayaa haatan khatar ugu jira in ay seegaan kulanka Atalanta ee champions League.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal, Eden Hazard  haatanba la sii hubo in ay seegi doonaan kulanka Atalanta ee champions League.

Xiddiga Karim Benzema ma jirto qof ka mid ah Real Madrid oo huba in uu taam u noqon doono kulanka arabacada ee champions League.

Isla wargayska ayaa xaqiijiyay in ay Real Madrid waayi doonto adeega xiddigaha Fede Valverde, Rodrygo, Marcelo, Militoa iyo Álvaro Odriozola.


Source: laacibfm.com

SHARE